Qarax Gaari Oo Goordhow Ka Dhacey Inta U Dhaxeysa Isgoyka Banaadir Iyo Isbitaal Digfeer

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho goor dhow uu ka dhacey qarax  xoogaan oo geystey khasaare kala duwan, iyadoo ay soo baxayaan warar kala duwan.

Qarax ayaa sida wararku ay sheegayaan ka dhacey inta u dhaexya isgoyska Banaadir iyo Isbitaal Digfeer, waxaana la tilmaamey in qaraxaan uu ahaa Gaari uu lahaa qof oo yiilay meel ku dhow Masaajidka Cabdulaahi Ciise.

Qofka iska lahaa Gaari qarxey ayaa sida la tilmaamayo u shaqeeya Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Qorsheynta, iyadoo qaraxa gaariga loogu xirey ninkan uu ka badbaadey.

Ilaa seddax qof ayaa ku dhaawacantey qaraxa ka dhacey inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE