Soomaalida Oo La Duray Caqligooda Oo Ah Inay Garan Waayeen Sidee Dawladnimadii Usoo Ceshadaan! W/Q Yuusuf Omar

Dalkeena waxaa ka ka dhacay burbur dawladii dhexe 1991 dii.waxaa dalkeenii noqday bad iyo bari iyo cirba mid baylah ah oo aan haysan dawlad ilaalisa oo difaacda.dadkii iyo shacabkii soomaaliyeed mudo 27 sanadood ah mahaystaan sharaf,nolol,amaan,iyo xasilooni nafsiyan ah.waxaa gudaha ka jira dhiig iyo silic dil bahalnimo ah oo joogto ah,waxa ka jira kufsi,iyo faraxumayn dumar iyo caruur lagu hayo habeen iyo maalinba.waxaa ka jira boob iyo is xoogid iyo dhac joogta ah.waxaa ka jira in diimo kale lagu faafiyo dalkeenii oo diinteenii iyo caqiidadeenii la badalay.waxaa la iibsadaa xubnaha dadka soomaaliyeed oo soomaali ayaa ka baayac mashtarta. waxaa lagu beeraa guryaha soomaaliya dhexdooda daroogo iyo dhulbeereedkii siiba shabeelada hoose iy shabeelada dhexe.

Hay ado ayaa jira gata ilmaha oo qaata iyagoo u isticmaala inay sii gadaan ama sikale uga faa iidaystaan xubnahooda.dalkeenu waa dal maafiyada iyo tuugada caalamku nin walbaa ka sameeyo wuxuu doono isagoo haysta soomaali la shaqaysanaysa.badaheenii waa la xaalufiyaa oo laga kaluumaystaa si sharci daro ah waayo yaa ka difaacaya ma dawlad baynu leenahay?

Waxaa la sameeyay isku dayo farabadan oo la dhisay dawlado si dhibka looga baxo oo dalku u helo dawlad shaqaysa. isku dayadaas nasiib daro waa lagu guul daraystay.Dawlad kastoo dhalataa ma keento wax fikir cusub ah qaab lagu xaliyo mushkilada taagan 27 sanadood.Waa jiraysaa in ay meelo ku kala duwan yihiin tusaale ahaan dawladii  uu madaxwayne ka ahaa xasan sheekh ma samayn ciidanka xasilinta MOGDISHO halka tan faramaajo ay samaysay wax yaabo qaababkaas oo kale ah oo midiba mid yara dhaanto ama ku kala duwan yihiin waa jirtaa,laakiin majiro xal lagu gaaro jid cusub cid keentay illaa hada.

Waxa intaas oo dawladood ay raadinayaana waa uun hal arin oo ah sidee loo helaa dawlad shaqaysa oo soo celisa amaankii dalka soomaaliya? madax wayne cali mahdi,madax wayne cabdi qaasim,madax wayne cabdullahi yusuf,madax wayne shariif,madax wayne xasan sheekh intaasuba way dadaaleen laakiin wixii loo baahnaa ma keenin oo ah dawlad shaqaysa oo dalka sugta oo hanata amaanka oo dhan.waxaa intaa uugu roonaa madaxwayne cabdullahi yusuf oo baydhabo iyo jawhar u dagay kumeel gaar ahaan baar la maankiina da jiyay Baydhabo fikir cusub oo sare ayuu ahaa laakiin ma uu san guulaysan mana keenin dawlad shaqaysa oo dalka gacan ku haysa.Midan hada jirta ee farmaajana waa ee gaynaa inay kuwii hore raacayso iyo inay keenayso xal cusub, dawlad shaqaysa oo dalka ku soo dabaasha amaan kii iyo kala danbayntii.

Mudadaas dheer intaas oo dawladood oo ka danbaysay dawladii madaxwayne siyaad bare waxay ka dhamaan waayeen MOGDISHO oo ay arki jireen bari samaadkii.waxayna garan ilaa maanta in isbadal dhacay xalna loo helo waaa maxay waxa diidaya in dawlad walba oo la dhisaa  shaqayso? ma orn karnaa madax wayna yaashaas oo dhan ayaa ahaa dad xun ama aan ahayn hogaamiyayaal xataa mid ka mid ahina? dawlad hala dhiso unbay soomaalidu ku ordaysay iyo kursigii madaxwayne yaa helay laakiin lays maba waydiin dawladu xagee ku shaqaysaa oo dagtaa? shacabka soomaaliyeed ee MOGDISHO dagani diyaar uma aha in dawladi kashaqayso mogdisho iyagaana liqay dawlad walboo timaad hadana dhanka kale ma doonayaan in la geeyo dawlada meel aan mogdisho ahayn!!

Dalalka aduunku waxay ka guuraan caasimadoodii oo ka dhigtaan deegaan kale caasimad ayagoo u eegaya arimo sida xaalad cimilo iyo caafimaad,xaalad meel istaraatiijad ah,xaalad dhaqaale,xaalad dagaan ka quruxbadan meesha ay caasimadu ku taal sida dhul buura leey ah oo soo jiidasho leh tusaale ahaan sida gobolka sanaag ee soomaaliya oo kale oo ah hawo macaan iyo dhul xeeb iyo buura leey aad u quruxbadan ah oo indha u roon cagaar iyo doog leh waa loo guuri karaa.inaga hada xaaladeenu waxaas oo dhan maha waa xaalad bad baado qaran soomaaliyeed waayo 27 sanadood ayaan nahay dawlad la aan oo dalkeenu dayacan yahay.

Waxay ilatahay in ay waajib tahay in aan is bar qabano oo xalka abaaro ah caasimad cusub oo dawladu ku shaqayso mudo bil gudaheed ah.Maxaa jira dheh dalkeenu waa leeyahay magaalooyin u diyaar ah oo waliba ku farxaya soona dhawaynaya in ay noqdaan caasimad umada soomaaliyeed ka dhaxaysa.waxaa kaloo jira dhul banaan oo hada la dagi karo,maxaa yeelay mogdisho dhisideeda iyo meel banaan dhisideedo waa isku mid oo guryihii danta guud oo dhan waa burbureen oo uun ober ka soo bilaw.Maha in MOGDISHO intaa la sugaa oo la tul taagnaadaa dadkii daganaana ay caruurtooda diyaar u yihiin inay sidaa u xasuuqaan xumaan xagooda ahaatay awadeed iyo dawlad diidnimo darteed.

Waxay noqotay MOGDISHO meel lagu dabro oo soomaaliya lagu guumaysto oo shacabka dagan iyo maafiyada caalamku isku kaashadeen.Waxay noqotay MOGDISHO jeebo soomaali inaysan dawlad shaqaysa helin loo haysto.suaasha waxay tahay maxaa diidaya ka guurista ma dalkeena ayaynu kala jecelahay soomaaliya soow soomaali malaha? ma arin diineed baa oo diintaa inoo diidaysa inaan ka guuro? ma qabiil gaara ayaa leh caasimada oo inoo diidaya guurida oo ina qasbi kara? caasimad ma doonis dad gaaraa mise waa cod soomaali oo dhan leedahay? mise macnaha caasimada ayaynu fahmi la nahay oo mugdi inooga jiraa? mise qofka soomaaliga ayaan garanaynin in uu xor u yahay codkiisa meesha uu u garto caasimad in laga dhigi karo? ninkee igula doodi karaya caasimada qabiilkaygaa kubadan ama iska leh sidaa daraadeed ma doonayo tusaale ahaan hadii loo raro ceergaabo? sow markaa maha hadaad ceer gaabo iigu diidayso qabiil ahaan anigu maxaan ku falayaa markaa mogdisho ileen soomaalinimo diyaar ba uma tihid oo wadigan dagaanadii soomaaliyeed qaar diidaya qaarna doonaya? suuro gal maha dagaanada dalkeenu waa isku mid hadana waxaa keenaya in caasimada la wareejiyo xal qaran oo waajib ah.

meelkasta oo lageeyo caasimada qofka soomaaliga waa caasimadiisii,macnuhuna maha in guryaha dun san ee mogdisho ee dagaaladu burburiyeen la rarayo ee waa dawladaa dagaysa meel ay ku shaqayso.Waxaa yaab ah soomaalida daciifnimada iyo kasmo yarida mashaakil jira xalkiisa ma garankaraan bartii unbay taagan yihiin wax cusub malaha.mudadaas dheer waxa kaliya ee aynu u baahnayn waa deegaan cusub oo dawlada lageeyo waayo markiiba dunida oo dhan ayaa halkaagaa kugu imanaysa waa meel amaan ah adaa koontaroolkeeduu gan ku haya wasaaradihii oo dhan ayaa wasiir walba iyo shaqaalihiisu shaqo tagi lahaayeen. indha caalamka oo dhan ayaa arki lahaa oo qaban lahaa soomaali nabad ah oo dawlad ah.waynu nahay umada intaa garan la ilaa maanta ee xalka ka raadinaysa waxaan suuro gal ahayn.

Aayaha fog iska dhaaf waayadan ee maha shacabka mogdisho dad la aaminikaro oo ka daynaya dilka iyo xasuuqa hooyadiis iyo walaashiis.maha mid dariskiisu aaminikaro oo aqli kaa wadayo maha.kabo quruxsan haduu kugu arko waa kugu dilayaa.waayo siduu u samaysan yahay.hadaad aqoon leedahay waa ku dilayaa oo muxuu kugu dilayaa seed ku leedahay aqoonta aniguba ma lihi ee??!!  hadaad ganaacsi haysato oo aad hesho macaamiil fiican sida hadaba ka socota mogdisho oo aad wada aragtaan waa ku dilayaa waayo sideed ku heshay aniguba mahaystee? dadka aqligaa kaa reeba iyo diinta iyo sharciga intiiba ja jirto.qof iska rabaa isaga iyo ubadkiisu aayo tiin iyo nolol wanaagsan aduun iyo aakhiraba suuro gal kama aha mogdisho waana daraasad cilmiyaysan oo xaqiiq ku fadhida oo qof waliba oo garasho lihi u jeedo.fiiriya waxay hada isku samaynayaan.

Dawaladkasta ciidamo ajinabi ah sida AMISOM ayaa ka ilaalisa dadka mogdisho hadaysan AMISOM jiri lahayna dawladu habeen ma joogteen mogdisho nina ka ma fiigeen kuli waa layn lahaayeen.Hade dawlad AMISOM ilaalinaysana dawlad maha.waxaa hadaba is waydiin leh dadkii soomaaliyeed masidan ayay ku qanceen dawlad la aanta ah ee khiyaaliga ah? sawmaha in aynu fikiro oo xalka raadino dhabta ah?

Adeer dalka iyo dadka iyo diintayadii ayaa nalaga qaadayaa masii dhawran karo mogdisho waa in laga guuraa oo baarlamaanku ka fariistaa si dag dag ah oo golaha wasiiradu ka fariistaan oo dalka xal dhab ah loo keenaa maha uun bartii yaqaan bari uma kororto.Adeer afartan kiilo mitir oo mogdisho ah soomaali u xayir naan mayso nus qarni kabadan.waxaan kaloo idiin sheegayaa in soomaaliya ay kala go ayso mardhaw waana arin u bahaan in loo qaabilo si wadaniyad iyo soomaalinimo leh sidii arinkaa dhab loogu wajihi lahaa oo loo caymin lahaa in aan dalkeena lakala qaybin intii is raacday 1960 kii.

Maxaan ogahay? waxaan ogahay isn soomaali land ka tanaasu layso gooni isu taagii iyo waa gosanay.Taa badalkeedana maadaama ay shalay isku biiridii inoo yimaadeen oo koonfur inoogu yimaadeen oo isku biiray dawladna wada dhisanay,hada in aan iyaga u tagno markooda oo ku biiro lageeyo caasimada dhulka somaliland ee soomaaliyeed.Waayo waxay inaga tabanayaan hadaan koonfur nahay aamin daro nama aaminayaan madama hore loo khiyaameeyay is raacii. Sihadaba kalsoonidii loo helo dalkana loo mideeyo waa in bay dheheen caasimada la keenaa somaliland shuruud la aan intaa kadibna wax kale oo ay u baahan yihiin majirto dalka soomaaliyeedna waa la soo noqonayaa nidaamkii dawladnimo kala danbayntii intaba.Soomaaliland waxaa ka go an hadii dalabkoodaa la aqbali waayo in kolkaa ay xaq u yeelanayaan dawlad xor ah oo madax banaan aduunkuna aqoon san markiiba. waayo aduunka waxa uu ogaanayaa cida israaca shalay khiyaantay in ay tahay koon furta cida hada diidan israacana ay dhab ahaan koonfurta tahay ee aysan ahayn somaliland oo ah dad wadaniyiin soomaaliyeed ah.

Markii somaliland xoriyadeeda iyo dawlad nimadeeda halkaa la istaagtana Puntland ma yeelayso koonfur sida dastuurkeedu qabo.waayo puntland dalkoo midaysan ayay fahmaysaa somaliland rabi deedana wixii gu id ka soo hara waa u ogolyihiin si buuxda. war dalka soomaaliyeey ha la caymiyo oo illaahay ka yaaba sidani si maha.war maxaa goboladii dalka oo kale loo cun suriyeeyay oo loogu diidayaa iyagoo nabad ah diyaar ah in lageeyo caasimad haday dawladnimo doonimadu dhab tahay? furaha soomaaliya isku haynkara aayaha hadana inoo keeni kara xal dagdag ah oo dawladnimo waa CAASIMAD cusub. xalu waa caasimad cusub oo loo guuro dawladanu ku shaqayso isla subaxay dagto.

W/Q Yuusuf Omar

mashruuc5@hotmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE