Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Oo Banaanka Soo Dhigey Xildhibaano Ku Jira Baarlamaanka Oo U Shaqeeya Cadowga Alshabaab (Video)

Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Bare oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Golaha hortooda ka cadeeyey Xildhibaano la shaqeeya Cadowga umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Xildhibaan Goodax ayaa tilmaamay in Shirarka Golaha Baarlamaanka uu noqdey sidii fadhi ku dirir oo lala yimaado wax yaalaha lagu haayo baraha bulshada iyo wadooyinka, taasna aan la aqbali karin siduu sheegey.

Hadalka Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Bare ayaa si kulul uga jawaabey hadalo ay jeediyaan Xildhibaano uu ka mid yahay Mahad Salaad oo caadeystey in hadalo khiyaali ah iyo kuwo u muuqdo in loogu hiilinaayo cadowga ka jeediya shirarka Baarlamaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE