Dhageyso Diyaarado Dagaal Oo Duqeymo Culus Ka Geystey Saldhigyo Daacish Ay Ku Leedahaya Gobolka Bari

Diyaaradaha Maraykanka ayaa laba jeer duqeeyay saldhig maleeshiyada taageersan Daacish ay ku leeyihiin deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda dicaafa Maraykanka ayaa VOA u xaqiijiyay duqeynta, wuxuuna sheegay in hal qof uu wax ku noqday. Wararka ayaa sheegaya in la bartilmaameesaday hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdulqaadir Muumim.

Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE