Dhageyso Mooshinkii Laga Wadey Shariif Xasan Oo Soo Dhamaadey Iyo Xilliga Codka Loo Qaadayo Oo La Shaaciyey

Weli waxaa taagan xildhibaanada sheegaya in ay mooshin ka dhan ah ka wadaan Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Maalin ka hor waxaa Baydhabo kulan ku yeeshay Xildhibaano sheegay in ay gaarayaan ilaa 91 Mudane,kuwaas oo shaaciyay in ay gudbinayaan intabadana ay saxiixeen mooshinkii xilka qaadista.

Xildhibaan Dubad oo ka mid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Shariif Xasan uu ku fashilmay Shaqadii loo igmaday isla markaana Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay ka Go’an tahay in ay xilka ka qaadaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE