Saraakiil Ciidan Oo Maanta Kulan Ku Yeeshey Deegaanka Buufow Bacaad Kuna Dhawaaqey Dagaal Ka Dhan Ah Maleeshiyada Kooxda Alshabaab (Sawiro)

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka oo maanta soo gaarey deegaanka Buufow Bacaad  ee duleedka magaalada Marka ayaa kulamo la qaatey Saraakiil horey u joogtey Deegaanka.

Saraakiisha Deegaanka Gaarey ayaa marka hore u mahad celiyey kuwii horey u joogey deegaanka oo dagaalo adag la galey Maleeshiyada Kooxda Alshabaab, waxaana kulankooda wehliyey Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Deegaanka Buufow.

Raga halkaasi Gaarey waxa laga xusi karaa Xasan Maxamed Abuukar iyo rag kale, waxaana hadalo dar daaran ah u jeediyeen Ciidamada difaaca ee Buufow Bacaad iyo kuwo iyaga la socdey oo halkaas loogu qudbadeeyey.

Saraakiisha labada dhinaca ayaa Ciidamada ugu baaqey inay u midoobaan la dagaalanka kooxda Shabaab oo ay iska daayaan dagaalada kale ee lagu mashquuliyey, waxa sidoo kale loogu baaqey in ay hal ujeedo ka lahaadaan xoreynta dalka.

Taliye Maxamed Xasan oo ah hogaanka guud ee Ciidamada Gobolka iyo Afahayeenka Ciidamada Maxamed Ciise Maxamed oo kulanka saraakiisa qeyb ka ahaa ayaa soo dhaweeyey in Saraakiil uu hor kacaayo Xasan Maxamed Abuukar ay halkaasi gaaraan, loona midoobo cadowga Alshabaab.

Kulanka maanta waxa sidoo kale qeyb ka ahaa  taliye Carabow Cali Qaraale iyo Saraakiil in mudda ah ka qeyb qaadaneysey sidii deegaanada Gobolka Shabeelada hoose looga xoreyn lahaa Alshabaab.

Kulamada ka dib ayaa saraakiisha oo wada jira waxay socod ku mareen qeybo ka mid ah magaalada Marka, iyagoo dhex marey Suuqa weyn ee Waa cuneynaa ilaa xaafada Ayuub ugu dambeyn deegaanka Shalambood ayey uga sii gudbeen iyagoo sii marey deegaanka Ceeljaale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE