Ciidamada Xoogga Dalka Oo Ay Wehliyaan Saraakiil Cadaan Ah Oo Howlgal Ka Sameeyey Tuulooyinka U Dhaxeeya Gobolada Shabeelooyinka (Sawiro)

Ciidamada dalka Soomaaliya ayaa maalinnimdii shalay howlgal culus waxay ka sameeyeen deegaano ku yaala inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Deegaanada howlgallada laga sameeyey ayaa waxa maamulaayey Maleeshiyada kooxda Alshabaab, iyadoo halkaas Ciidamada ay la wareegeen.

Holwgalkan oo uu hogaaminayey abaaduulaha Ciidamada xooga Cabdulaahi Cali Caanood ayaa waxa ku wehliyey saraakiil cadaan ah oo talis ku leh Garoonka Balli-doogle.

Ciidamo Cadaan ah oo k usugna Soomaaliya ayaa xilliyada qaar Ciidamada Soomaalida ka caawiya la dagaalanka kooxda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE