Dhageyso Maamulka Koonfur galbeed Oo U Hanjabey Siyaasiyiin La Sheegey Inay Kacdoon Ka Waaan Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhaba waxa ka socda Mooshin laga wado Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo ay socdaan shirar iyo wada tashiyo arinkaas laga leeyahay.

Hoteelada waaweyn ee magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa in ay soo buux dhaafiyeen siyaasiyiin gadaal ka riixaya Mooshinka xil ka qaadista oo xildhiobaano badan ay ku biireen.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa hanjabaad u jeediyey Siyaasiyiinta iyo raga kale oo ay ku eedeeyeen inay khas iyo kicin bulsho ay ka wadaan Magaalada Bayahdhabo.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen (Xasan Eelaay) ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan dadka kasoo horjeeda maamulka ee shirarka ku qabta Magaalada Baydhabo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE