Dhageyso Wararkii Ugu Dambeeyey Mooshinka Xil Ka Qaadista Shariif Xasan Oo Si Xawli Ah Uga Socda Magaalada Baydhaba

Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ka socda qaban  qaabada sidii Gudoonka baarlamaanka loo hor geyn lahaa Mooshin xil ka qaadis ah oo laga wado hogaamiyaha Maamulka Koonfur galbeed.

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa wada Mooshinkan iyadoo la sheegayo in Xubnaha saxiixaya Mooshinkan ay sii kordhayaan saacadba saacadda ka dambeysa.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa marar hore waxa laga keenay Mooshin la doonayey in xilka looga qaado hase ahaatee isku dayo badan oo uu sameeyey ayuu isaga fur furey xildhibaanadii mucaaradsanaa.

Hase ahaatee xilligan ayaa waxaa la leeyahay in Mooshinkan uu ka awood badan yahay kuwii hore, waxaana jira siyaasiyiin iyo rag kaloo qurba joog ah oo dadaalka ugu badan isugu geeyey sidii Shariif meesha loogu bixin lahaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE