Khudbad Qiima Badan Oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Uu Ka Jeediyey Shirkii Madaxda Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada (Video)

Madaxwaynaha Dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa ka jeediyey Shirkii Muqdisho ugu soo dhamaaday maamulada iyo Dawladda dhexe ee Soomaaliya.

“Waxaan isugu nimid inaan tashanno, inaan masuuliyadda iyo xilka na saaran gudanno, annaga oo eegeyna danaha dalka, dadka iyo diinta.

Marxaladda aan haatan ku sugannahay inooma samaxayso kala qaybsanaan, kalsooni darro iyo kala shaki. Dalkani maanta wuxuu nooga baahaynyahay badbaado, dadkeenuna waxay naga dhawrayaan inaan ku hoggaamino waddo sax ah.

Sidaas darteed, waxaa ku heshiinnay inaan isu tanaasulno, is aaminno oo aan ka wada shaqeeyno sidii loo cirib tiri lahaa kuwa shacaba Soomaaliyeed xasuuqaya, oo ay ugu dambeysay falalkii bahalnimada ahaa ee ay ka geysteen Soobe iyo Naasa Hablood 2. “

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE