Kooxda Ahlu Sunnah Oo Lagu Eedeeyey In Hurineyso Colaad Hab Beeleed Ah Oo Ka Jirta Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Jeyte Cusmaan, oo Warbaahinta la hadlay ayaa eedeyntaas u jeediyay Maamulka Gobolada dhexe ee ahlusuna Wal-Jamaaca.

Waxa uu sheegay in dagaalo dhowr ah oo ka dhacay deegaanka Baanyaaleey iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Matabaan ay iyaga qeyb ka ahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhowr mar ay ishor-istaag ku sameeyeen waan waan iyo Gogol Nabadeed oo uu dhigay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, iyo Casuumaad uu U Diray Ugaaska Beesha Ceyr, isla markaana dagaalada ka dhaca deegaanka Banyaleey ay masuul ka yihiin.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Shacabka dega Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud in ay Nabada ka Shaqeeyan isla markaana ay wada noolaadaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE