Roobab Lagu Diirsadey Oo Ka Da’ay Deegaano Badan Oo Ka Tirsan Gobolka Shabeelada Hoose

Deegaano kala duwan oo ku yaala Gobolka Shabeelada hoose ayaa saacadihii lasoo dhaafey waxa ka da’ay roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Roobabka oo bilowdey xalay 11:30 pm ayaa soo gaarey ilaa saake aroortii, waxaana xareedda ay ka hoortey degmooyin badan.

Inkastoo roobkii xalay ilaa saake hooraayey uu kusoo aadey xilli dadka iyo duunyada baahi badan u qabeen ayaa hadana dhinaca kale waxa jira saameyn ay ku reen meelaha.

Iyadoo lagu guda jiro xilliga deyrta ee tacabka beeraha ayaa inta badan beeraleyda waxay tirsanaayeen ama ay ku jireen xilli adag oo kuleyl ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE