Wadada Xeebta Ee Isku Xirta Magaalooyinka Marka Iyo Muqdisho Oo Maanta Xiran

Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa maanta wax gaadiid ah aanu ka bixin sidoo kalana aanay soo galin, waxaana xayiran dadkii maanta safri lahaa.

Wadada xeebta ah ee xiriirisa magaalooyinka Marka iyo Muqdisho ayaa saake wax gaadiid ah aanu marin, iyadoo ay Gaadiidka ay ku kala xiranyihiin labada magaalo.

Xirnaasha wadadan oo ah midda kaliya ee ay isticmaalaan Gaadiidka dad weynaha labada magaalo isaga kala goosha ayaa waxa saameyn ku yeeshey roobaab culus oo xalay ilaa saake ka da’aayey deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE