Maleeshiyada Alshabaab Oo Fagaare Ku Yaalla Gobolka Jubada Dhexe Ku Toogtey Afar Nin Oo Ay Ku Eedeeyeen Basaasnimo

Wararka aan ka heleyno Gobolka Jubada dhexe ayaa ku waramaya in maleeshiyada Alshabaab ay toogteen afar Nin oo Soomaali ah oo ay ku eedeeyeen falal basaasnimo.

Afartan Nin ayaa lagu toogtey goob ku taala magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubada dhexe, halkaas oo ay la keenay dad weyne badan si ay uga qeyb galaan xukunkan dil toogashda ahaa.

Maxkamada Alshabaab ee Gobolka Jubada dhexe ayaa ragan ku eedeyeysey inay u basaasayeen Ciidamada Itooboya iyo sirdoonka dowladaha reer galbeedka, waxaana ay sheegeen in ragan ay qirteen dembiyadii lagu soo eedeeyey.

Ragan oo isla goobta lagu toogtey ayaa waxa lagu kala m,agacaabi jirey Cumar Cadar Cumar, Maxamed Aba Mayoow, Mustaf Macalim Xasan iyo Cabdi Risaaq Xaashi Cabaas.

Kooxda Alshabaab ayaa marar badan oo hore xukuno noocaan oo kale ah ka fulisey degmooyin badan oo ku yaala Koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya, mana jiraan cadeymo lasoo bandhigo in dambiyada ay ku lug lahaayeen iyo in kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE