Weerar Dhiig Badan Ku Daatay Oo Ka Dhacay Gobolka Texas Ee Dalka Maraykanka (Sawiro)

In ka badan 26 ruux ayaa ku dhimatay 20 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay kiniisad ku taalla gobolka Texas ee dalka Mreekanka,  Iyadoo Weerarku  ka dhacay kiniisad ku taalla Sutherland Springs oo ah magaalo yar oo ka tirsan deegaanka Wilson.

Ninkii looga shakisnaa weerarkan ayaa markii dambe la helay isaga oo mayd ah oo ku jira gaarigiisa oo yaalla meel dhawr kiiloo mitir u jirta kiniisadda, Dadka dhintay da’doodu waxay u dhaxaysaa 5 sano ilaa 72 sano.

Booliiska ayaa qofka weerarka gaystay ku sheegay “nin da’yar oo caddaan ah” oo kali ah, laakiin warbaahinta Maraykanka ayaa ku sheegay Devin Patrick Kelley oo 26 jir ah.

Kelly ayaa la sheegay in laga eryay ciidammada cirka ee Maraykanka sannadkii 2014kii ka dib markii maxkamadda ciidammadu ay ku heshay in uu tacadi u gaystay xaaskiisa iyo ilmo oo uu dhalay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE