Baaritaan Adag Oo Maanta Lagu Sameenayo Gaadiidka Isticmaalaya Wadooyinka Ugu Muhiimsan Ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Baaritaanadan ayaa maanta waxay ka socdaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho kuwo ugu muhuumsan, iyadoo ay baaritaankan lagu sameenayo gadiidka isticmaaya wadooyinka.

Koontaroolo badan ayaa lasoo dhigay wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho gaar ahaan Wadada Makka Almukarama, waxaana gaadiidka la marsiinayaa baaritaan culus.

Dad wadadaasi isticmaalay ayaa warbaahinta u sheegay in darawalada Gaadiidka lagu amraayo inay kasoo degaan oo ay xog ka bixiyaan halka uu ka yimid, halka uu kusoo jeedo Gaariga iyo waxa uu ka shaqeeyo.

Waxa sidoo kale jira baaritaan dheeraad ah oo lagu samaaenayo dadka laga shakisanyahay, waxaana tani looga gol leeyahay sidii loo qiimeyn lahaa xaaladda amni ee Caasimadda Muqdisho.

Bilooyinkii lasoo dhaafey waxa dib uga bilowdey Muqdisho falalka amni daro ee lagu qaadayo meelaha ay ku xoogan tahay dowladda fedaraalka, iyadoo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ay noqdeen kuwo dib usoo laabtey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE