Baarlamaanka Puntland Oo Xukuumadda Ku Amrey In Si Deg Deg Ah U Fara Geliso Doorashada Somaliland Ee Gobolada Sool, Sanaag Iyo Ceyn (Video)

Barlamaanka Puntland ayaa cod aqbaliyad ah ku ansixiyay go’aan ay ka qaateen waxa ay ugu yeereen faro galinta iyo xadgudubka ay somaliland ku hayso gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo qorshaha  ay kaga damacsan tahay inay keento sanaadiikhda Codbixinta ee doorashada madaxtinimada Somaliland.

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo ku dhawaaqay Go’aanka barlamaanka, waxaa uu sheegay in kalfadhiga 40aad ee barlamaanku ay soo xaadireen 36 mudane, dhammaantooda ay u codeeyeen go’aanka barlamaanka.

Hoos Ka Aqriso Qodobada Uu Isku Raacey Maamulka Puntland

“In xukuumadu si deg deg ah uga howlgasho sidii looga hortagi lahaa, loogana difaaci lahaa doorasho ku sheega

In  wax doorasho ku sheeg ah ayan ka dhici karin gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, lana sugo amniga xuduudahaas

In xukuumadu gudato waajibaadka dasuuriga ah ee difaacida dalka, kana hortegto faragalinta qaawan ee Somaliland sida uu qabo qodobadka 7aad dastuurka Puntland.

In Xukuumadu soo saarto baaq ku aadan faragalinta Somaliland, ugana digto Beesha caalamka inay ku garab siiyaan”

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE