Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM Oo Howlgal Ka Bilaabay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeelada Hoose (Sawiro)

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howl gal ka dhan ah Maleeshiyada Alshabaab ka bilaabay Deegaano ku yaala Gobolka Shabeelada hoose.

Taliyaha Ciidamada Hawlgalka Uganda qaybta 11-aad ninka lagu magacaabo Lt Col Bagenda ayaa sheegey in howlgalkan ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Garoonka Ciidamada Cirka ee Balli-doogle iyo Deegaanka Carbiska ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa tilmaamey in hadafka howlgalkan uu yahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen amaanka deegaanada ay Ciidamada ka joogaan, isagoo sheegay in joogta ah ay u helaan xogo ku saabsan in maleeshiyaad Shabaab ah ay ku dhuumeystaan wadooyinka qaar ee Gobolka ku yaala.

Ujeedka Ciidamada AMISOM ee dhaq dhaqaaqa ka bilaabay Gobolka Shabeelada hoose ayaa u muuqda mid lagu doonayo in ay ku gaaraan goobaha ay maamulaan maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE