Ciidamada Puntland Oo Howlgallo Adag Ka Wada Buuraleyda Cal-miskaad Ee Gobolka Bari (Sawiro)

Ciidamada Puntland ee PSF ayaa dhaq dhaqaaq iyo hawlgalo militari ka wada deegaanka Timirshe iyo buuraleyda Cal-miskaad oo ay qeybo kamid ah ku sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish.

Hawlgalkan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii ay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka duqeeyeen buuraleyda ay ku dhuumaleysanayaan kooxda Daacishta Soomaaliya.

Duqeyntii todobaadkan ee diyaaradaha Maraykanka ayaa ahayd markii ugu horeysay oo duqeyn noocaas ah ka dhacdo dhulka Puntland, waxaana la sheegay in lala beegsaday habeenkii Jimcaha god ku yaal deegaanka Buq oo 60km u jirta Qandala oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Daacish.

Duqeynta labaad ayaa dhacday subaxii ku xigay iyadoo la rumeysan yahay in lala beegsaday goob ay ka dhaceysay aaska maleeshiyaadka ku dhintay duqeyntii kowaad.

Ciidamada Puntland ayaa hawlgal kan lamid ah ka wada dhinaca kale ee Galbeedka iyo buuraha Calmadow halkaasi oo iyaguna ku dhuumaaleystaan maleeshiyaadka Al Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE