Ciidamo Ethopian Ah Oo Loogu Tala Galey In Lagu Wareejiyo Seddax Degmo Oo Ugu Muhiimsan Gobolka Shabeelada Hoose

Ciidamao ka socda dalka Ethopia ayaa maalmihii lasoo dhaafey soo gaarayey dhul badan oo ku yaala Gobolada Galbeed iyo Koonfurta Soomaaliya, waxaana Ciidamadaas la sheegay inay qeyb ka yihiin kuwo loogu talagalay inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab.

Warar aan si hoose aan u helnay ayaa sheegaya in Ciidamada loogu talagalay in goobo kala duwan ay ka dagaalamayaan, waxaana qeyb ka ah sida la sheegay goobaha ay sida tooska ah uga qeyb galayaan Gobolka Shabeelada hoose.

Gobolka Shabeelada hoose oo lagu tiriyo dhul ay ku xooganyihiin maleeshiyaadka Alshabaab,iyadoo dowladda looga fadhiyo in maaro loo helo Shabaabka ku dhuumaaleysanaya howdka.

Seddax degmoo oo ku yaala Shabeelada hoose oo hada ay ka howgalaan Ciidamo ka socda dalka Ugand ayaa loogu talagalay in ay la wareegaan Ethpianka, mana la oga in ay wada joogi doonaan iyo in qolo loo faarujin doono.

Degmooyinka kala ah Afgooye, Marka iyo Baraawe ayaa qorshaha ugu weyn ee Ciidamada Ethopia lagu darey, waxaana taasi sii dheer in howlgallo joogta ah ay ka sameyn doonaan deeganada howdka ah ee degmooyinkan ku xeeran.

Sida warbixinta tilmaameyso waxa jira dano siyaasadeed iyo kuwo kale oo qarsoon, oo Ciidamadan ay ka leeyihiin seddaxdan degmo,iyadoo dhinaca kale la sheegayo in qorshahan uu wato hogaamiyaha Koonfur galbeed oo u maara waayey Gobolka Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE