Dowladda Soomaaliya Oo War Kasoo Saartey Shir Looga Hadlaayo Arimaha Shidaalka Oo Ka Dhacaaya Dalka Kenya

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumada Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aysan waxbo kala socon shir la filyo in lagu qabto magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in aysan wax badan kala socon shir looga hadlayo saliidda, gaaska iyo macdanta Soomaaliya oo horaanta sanadka cusub ee 2018-ka lagu wado in lagu qabto magaalada Nayroobi

Wasiirka ayaa ku baaqay in la joojiyo shirkan lagu qabanayo dalka Kenya, waxa uuna meesha ka saaray in shirkaasi lagu casuumay kana qeb galayaan isaga iyo R/Wasaaraha xukuumadda dalka.

Wasiirka Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa warqad uu u qoray shirkad lagu magacaabo International Research Network oo la sheegay inay shirkaasi qabanqaabinayso wasaaraddu aysan waxba ka ogayn, waxna ka qorshaynin shirkaasi loona baahan yahay in degdeg looga noqdo.

Waxa kale uu beeniyay Wasiirka Warqada baraha bulshada lagu baahiyay oo lagu sheegay in Shirkaasi soo qaban qaabisay Shirkada SOM OIL AND GAS uuna ka qeyb galayo R/Wasaaraha Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in uusan R/Wasaaraha ka qeyb galeyn shirkaasi waxna uusan kala socon.

Warbaahinta qaar iyo baraha Bulshada ayaa lagu baahiyay in Shirka ka dhacaya magaalada Nairobi ay ka qeyb galayaan Shirkado maalgashi iyo Wadamo Soomaaliya daneeya loogana hadlayo Shidaalka Soomaaliya uu ka qeyb galayo R/Wasaaraha Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE