Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Oo Maanta Gaarey Magaalada Kismaayo (Sawiro)

Gudoomiyaha Baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cumsaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaarey magaalada Kismaayo oo xarun ku meel gaar u ah Maamul Goboleedka Jubbaland.

Wafdiga Gudoomiye Jawaari ayaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo waxa kusoo dhaweeyey Gudoonika saree ee Baarlamaanka Jubbaland iyo Madaxweynaha Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Prof Jawaari ayaa lagu wadaa in ka qeyb galo furitaanka kal-fadhiga afaraad ee baarlamaanka Jubbaland oo furmaya maalamaha soo aadan, waxaana sidoo kale la sheegay in kulamo uu la qaadan mas’uuliyiinta Maamul Goboleedka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE