Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Oo Booqdey Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Ayaa Kormeerey Diyaar Garowga Dagaalka Alshabaab (Sawiro)

Madaxweynaha Jmahuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta booqdey Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, halkaas oo uu kula kulmay Wasiiru dowlaha Wasaaradda iyo Saraakii Ciidan.

Mudane Farjaamo ayaa Wasiiru dowlaha iyo Saraakiisha Wasaaradda kala hadlay diyaar garowga Ciidamada ee la dagaalanka Maleeshiyada Alshabaab iyo sugidda amaanka Caasimada iyo deegaanada kale.

Saraakiisha Madaxweynaha uu la kulmaya ayaa muujiyey sida ay uga go’antahay dagaalka ka dhan ka ah Alshabaab, ee la qorsheyeey in dhawaan uu ka bilowdo Gobolao badan oo ka mid ah dalka.

Madaxweynaha ayaa khudbad dhiira gelin ah u jeediyey Saraakiisha uu la kulmay, waxaana dhankiisa uu balan qaadey in dowladda ay xil gooni ah iska saari doonto soo celinta awoodii ciidan ee dalka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE