Magaalada Kismaayo Oo Lagu Qabtey Askari Kufsi Iyo Dhaawac Ka Geystey Magaalada Boosaaso

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ammaanka Gaar ahaan kuwa Sirdoonka Jubbaland ay Gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan Ciidamada Puntland kaas oo fal kufsi iyo dhaawac ka geystay Boosaaso.

Wasaaaradda cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland, ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay askarigii dhaawaca ugeystay gabadh dhalin yaro ah, oo ku sugnayd magaalada Boosaaso, xilli uu doonayay inuu tkufsi u geysto.

Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaalada Maxamed Cali Faarax ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in askarigaan lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, halkaasi oo uu u baxsaday kadib markii uu falkaan geystay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE