Raysal Wasaare Khayre Oo Isku Duba Riday Cududii Xooga Dalka Soomaaliyeed Iyo Hub Casri Ah W/Q Yuusuf Omar

Raysal wasaare Xasan Cali Khayre waa nin dhalin yaro ah aqoon yahan ah,dhal magaalo ah leh khibrad maamul iyo garashada nolasha dalka gudi hiisa oo uu ku koray kuna noolaa iyo mid dalka dibadiisaba ah.Waa nin ay ku wayn tahay jacaylka dalkiisa iyo diintiisa iyo dadkiisaba.Waa nin aan cidna uuga gaban uugana haybaysan masalxada diinta iyo dalka iyo dadka.Aduun waynaha oo dhan waa nin ay arkaan kartidiisa iyo shaqadiisa hufan ee u taagan yahay maalin iyo habeenba.Waa nin garanaya la shaqaynta madaxdiisa ama ha ahaato kuwa isaga xukuma ama ha ahaato kuwa uu isagu xukumo intaba.Waanin xurmeeya oo qadariya madaxwaynihiisa sida dunida caalamkaba dawladaha ka dhaxaysa oo ah inay dalka u shaqeeyaan iyagoo garbaha is haysta madaxwaynaha iyo raysalwasaaruhu.

Caalamku waxa uu u balan qaaday Raysal wasaare xasan in uu siinayo taageero ciidan oo xoogleh iyo dhaqaale oo dalka soomaaliya la nabadaynayo si buuxda.Waxaana uugu horeeya dawlada Turkiga ee aan walaalaha nahay oo dib u soo celisay bilawdayna dhisida xoogii dalka soo maaliyeed iyo hubkii u dan beeyay oo deeq ah.Dawalada Turkigu waxay dhisay saa ciidanka afkrika uugu xooga badan cadawga soomaaliyana aad buu uga naxay guushaas iyo in la helay soomaaliya oo leh awood sare.

Waxani iskama iman ee waxaa horseed u ah kaalin wayna kaga jira Raysal wasaaraheena geesiga ah.waa nin dhalin yaro ah laakiin aragti fog iyo caqli fiican illaahay siiyay.Gudaha dalka khaasatan Mogdisho sida uu uga shaqeeyay taariikhda raysal wasaaraya yaashii ina soomaray nin sidaa u shaqeeyay iyo xataa wax u dhaw ma jiro waa wada ogeeyn siday mogdisho ahayd.Cidii xaasidaysa ee xaqiraysa wax qabadka khayre waa mid iyadu khasaartay waayo ma qarin karaan shamso soo daahirtay.Mudane khayre xafidullaah dalka gudihiisa shaqada uu ka qabtay soomaali waa ogsoontahay kuna garab taagan yihiin dadaalkiisaas cad inagoo ogsoon dhibka yaala mogdisho sida uu yahay iyo waxa uu yahay.

Maah maah cusub ayaan soo saaray kadib markaan la yaabay beel murugo iyo foolxumo ka muuqato wajiyadooda oo har iyo habeen hortaagan xafiiska madaxwaynaha oo dhib ku hayaba xiligiisii shaqo!! Qoladani waxay la madoobaadeen oo la murgeen darajadaa loo magacaabay ee uu hayo khayre waxayna cod sanayaan in madaxwaynu hu xilkaa ka qaado!.Hadii bay yiraahdeen aad sidaa yeesho angaa kula shaqaynayna xamarna anagaa ugu badan gacana ku hayna. madaxwaynuhu waxa uu yiri waa idin arkaa rabidiina laakiin wax cad oo la fahmi karo oo aan idinka aqbalo ii sheega idinma fahmin ee? Waxay yiraahdeen soomaalidu waxay wax ku qaybsadeen 4.5 anagaana keenay xiligii soodare shirkii eithiopia lagu qabtay oo kaga guulaysanay in cabdullahi yusuf oo dagaan watay kaga adkaano,sidaasna cadaalad ayaan u arkaynay soomalina wax waa ku qaysatay hada.Mar haday sidaa tahay adigu reer baad u fadhidaa booskan laguguma haysto waa xaq laakiin booskii raysal wasaare waa maran yahay oo waxaad la garab martay cidii mudnayd ee iska lahayd!

Waxaadna u dhiibtay laf yaroo aan cida dhexdeeda waxba ka ahayn waadna na dulmiyaysaa.waxaadna nagu ilbixinaysaa oo aadnagu soo saaraysaa dadkaanu u talin jiray waana khalad cad oo aad naga galayso.Madaxwaynuhu waxa uu yiri luuqadan aad ku hadlaysaan xiligeedii wuu dhamaaday,dalkana anaa ka ah madaxwayne umadana waa u dhaxeeyaa hayeeshee waxaan u dooray sidaan umada soomaaliyeed horay uugu balan qaadayba raysal wasaare leh karti iyo daacadnimo iyo hogaamin wanaagsan oo leh shaqsiyad fiican in aan magacaabi doono waana magaacabay.Hadaadse idinku haatan dalkaan wax taraysaan waxbadan ayaad ka soo noqoteen raysal wasaare iyo madaxwaynayaalba waxaad kharibtaan mooyee lamana arag waxaad suubiseen hadaad runloow yaal tihiin ee aydaan dhagar wadan. waxaan arkaa in aan asiibay shaqsi ahaan iyo beel ahaanba halkii saxda ahayd. Waxay fahmeen in madaxwaynaha aan laga marikarin dhanka khayre oo aan rajaba laga qabin xataa waa quus teen waxayna lalaabteen laabtooda oo mugdi iyo xumaan iyo xiqdi ka buuxo xasad ay xas tayaan odoon illaahay siiyay mulkiyadiisa oo boqor ka dhigay. waxay quuri  waayeen nic madaa illahaay bixiyay ee siiyay khayre.

Khayre waa nin wanaagsan oo aan uwada jeedno,waxa uuna illaahay ka dhaliyay beesha Muruursade oo ah beel leh aqoon ahna kuwo midaysan oo cad ay leeyihiin taariikhda aan cidna cunin.waana niman edbin yaqaan eey soo doontay soomaali hada isma baranayso waana niman u taagan difaaca diinta iyo dalka oo soomaalinimada dhankooda ka xajinaya oo laysku halayn karo.kuwan hada iyaga xasdayaana waa niman kasareeya oo aan la dhaqanba  ahayn soomaali ma haday is baranaysaa?

Waxaan iri markaan arkay xaaladan Wiilka Muruur sade Hiraab wiil u waaye. 

Hiraab sawkuwa mogdisho ishaa u yeelay maha  ee soomaali hortaagan in caasimada ay ku shaqayso dawladi maadaama beelihii soomaaliyeed ka qaxeen mogdisho 1991 oo hada aan cidkale joogin marka laga reebo muruursade qorigiisa ku dagan dagaankiisa iyo beelo aan hubaysnayn oo ay ula baxeen looma ooyaan.40km oo mogdisho ah iyagaa haysta 27 sanadood. arimaha caasimada xalbay u heshay soomaaliya hada dag dag u dhici doona  dalkeenuna waxa uu cagta saaray wadadii dawlad rasmi ah oo shaqaysa.qabiiliiste iyo xaasid habarti dile ah xiligiisiina waa dhamaaday.mana jirto cid aan ku badalaynayno khayre 20 ka sano oo inagu soo fooleh maha 4 sanaood sheekadu.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE