Roobab Xoogan Oo Ka Da’ay Degmada Nambar 50 Oo Saameyn Ku Yeeshay Qoysas Dan Yar Ah (Sawiro)

Roobabka deyrta oo ka curtey deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose ayaa saameyn wuxuu ku yeeshey qaar ka mid ah deegaanada ay ku dhaqanyihiin dadka Dan yarta ah.

Degmada Nambar 50 ayaa saacadihii lasoo dhaafey waxa ka hoortey Xareedda, iyadoo qoysas barakacayaal ah ay daadku qaadeen guryihii ay ku jireen.

Qoysaskan daadadku qaadeen ayaa gaaraya ku dhawaad 100 qoysas oo barakacayaal ah inta u dhaxeysa Garoonka Nambar 50 iyo Xerda Aala yaasir oo ay degenyihiin Ciidamada AMISOM.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE