Ciidanka Nissa Oo Ka Hortagi Waayay Xasuuqii Mogdisho Shacabka Loogu Geeystay Iyo Soomaaliya Oo U Baahan Ciidan Nabad Sugid Qaran Ah W/Q Yuusuf Omar

Aduunka dawlad walboo jirtaa waxay leedahay ciidamo kala duwan,sida milatariga,booliiska,nabadsugida iyo asluubta.mid kastaa oo ciidamadaas kamid ahi waxa uu dalka u hayaa ilaalinta amaanka iyo xasiloonida nafta dadka iyo maalkooda.hayeeshee ciidan waliba qayb ayuu si gaara u illaaliyaa oo u xil saaran yahay.Madax waynaha qaranka ayaa sida dastuurku siinayo maga caaba Taliya yaasha ciidamada sida taliyaha milatariga kan booliiska iyo kan nabadsugida iyo asluubtaba.Madax waynuhu waa hogaamiyaha ciidamada oo dhan nooc kasta ha ahaadeenee.

Hadaba dalkeenu waxa uu lumiyay ciidamadii qaranka soomaaliyeed qaybihii oo dhan 1991dii.in kastoo burburkii dawladii dhexe laysku dayay in la helo dawlad hadana wali lama hayo dawlad dhab ah oo shaqaysa oo gacanta ku dhigta amaankii iyo kala danbayntii taasoo dhista ciidan qaran.

Madaxdii dalka soo martay oo dhan majirto madax wayne ku guulaystay in uu sameeyo ciidan ka kooban soomaali oo dhan oo isku dhaf ah siday ahaan jirtay dawladii Adan cade tii Cabdi rashiid sharmaarke iyo tii Maxamed siyaad bare oo kale.Madax wayna yaashii qiimaha badnaa ee soomaaliyeed ee ina soomaray burburkii ka dib waxaad moodaa in uu ugu roonaa Madaxwayne Cabdullahi yuusuf oo isagu sigaara ulahaa khibrad ciidan iyo aqoon sare oo milatari.Cabdullaahi illaahay ha u naxariistee kuligoodba  intoodii dhimatay ee  waxa uu ahaa nin watay ciidan dhisan oo leh nidaam iyo kala danbayn kuwaas oo u badnaa deegaanada puntland oo uu xukumaayay.Waxayna keeneen Mogdisho iyagoo amaankiisa sugaayay xiligii uu joogay jawhar.Ciidamadaas oo markii danbana keenay MOGDISHO oo kaseemay amaan iyo in dawladu ku shaqayso oo dagto madaxtooyada soomaaliya,halkaas oo ay intii ka horaysay beelaha HIRAAB ku ilma korsanayeen oo ku habsadeen.

Waxa Madaxwayne cabdullahi iska diiday mooryaan aan anshax iyo edeeb toona lahayn in uu ciidan qaran u qaato,sidaa daraadeed waxa uu amray in dhaqan celin loo sameeyo kadibna markii la hubsado in lagu sii dayn karo mujtamaca dhexdiisa lasii daayo.Ciidamo waa jirtaa uu ka qoray baydhabo oo ah dad leh anshax una qalmay ciidan qaran oo uu ku daray kuwii uu watay ee dhisnaa.waxaa kale oo uu watay ciidan xoogleh oo ahaa beesha direed iyo in badan oo kamid ah jareer wayne iyo shiikhaal iyo guud ahaan qabiilada soomaaliyeed.Laakiin dhibka jiray ayaa ahaa ma aysan badnayn guud ahaan ciidankaas uu cabdullaahi isku dhafay oo habeeyay.Laakiin tayadoodaa saraysay.

Waxaanse qiraynaa in Madaxwayne Cabdullaahi ku guulaysan dhisid ciidan qaran oo ka kooban soomaali oo dhan oo xoogleh.wixii meesha soomaray ayuu uugu roonaa laakiin ma guulaysan.madaxwayne cabdullaahi markii uu kadagay oo iska casilay xukunkii ciidankiisii waxay noqdeen wax mogdisho lagu laayay iyo wax iska kala tagay.Madaxwayne shiikh shariif ayaa xukunkii yimid ciidamadiina waxa uu ka dhigay beesha HIRAAB wax amaan ah oo ay ka qabteen MOGDISHO oo shariif laga dhaxlay mahayno,wax isku dhaf ciidan ah oo shiikhu sameeyay majiro isna waa ku guul daraystay dhisid ciidan isku dhaf ah oo qaran.XASAN SHEEKH ayaa yimid hayeeshee isagu waxa sii burburiyayba intii yarayd oo shariif dhoob dhoobay.HIRAABKII ayuu sii kala guray oo kala qoqobay,hal halkii soomaalida kale ahaa oo ku jirayna waa cayriyay oo ciidankii kasaaray.

XASAN SHEEKH waxa uu cadankii isugu soo reebay Halbeel yaabka la arkay oo kuwii horaaba wuxuun isku yara da yaayay isagu ciidan oo dhanba waa la dagaalay kadib nin walbaa gobolkiisii ayuu ku noqday.Xasan dhan dhaqaale iyo dhan ciidanba dalka meel xun buu dhigay.waxaa yimid FARMAAJO waxa uu uugu yimid khasnadii dawlada oo maran iyo ciidamadii qaranka oo ah ciidan beeleed,sida maleeshiyadii muuse suudi iyo qan yare iyo cismaan caato iyo cumar finish iyo maxamed dheere oo tuute loogaliyay oo ah ciidan qaran!!!! waxay ilatahay in laba la kala daayo waa mooryaan iyo waa ciidan qaran.

Macnaha aan u jeedaa ah horta soomaaliyeey aan is ogaano in ciidan isku dhaf ah oo 15 kii unug ciidan ahiba aan laga helin 4 isku hayb ah ugu badnaan markaas ayay yihiin ciidan ka kooban soomaali oo dhan matali karana dalka iyo dadka hadaba ma haysano wali.arimuhu way sii kala daran yihiin aan eegno ciidanka nabad sugida qaranka soomaaliyeed.

  WAAMAXAY NABAD SUGIDU?

Nabad sugidu waa ciidankii aynu ugu yeeri jiray NSS oo ah sirdoonka qaranka.waxay hadaba yihiin hayda u saraysa dalka ee ilaalisa amaanka dalka gudaha iyo dibadaba.waa ciidanka ogaanaya hadii dawlada la rabo in la in qilaabo,in ay jiraan dad dawlada ah oo ku xiran shisheeye una gudbinaya sirta dalka,in madax waynaha ay ka ilaaliyaan khatarkasta mid dibada ah iyo mid gudaha ahba,in ay xogta dalka u sheegan madaxwaynaha shaki kastoo jira,in wasiirada iyo baarlamaanka lasocdaan dhaq dhaqaaqooda iyo in ay ilaaliyaan amaankooda maal iyo nafba.Nabad sugidu dalka oo dhan shacab iyo dawladba qofkii ku dhex jira arimo lidi ku ah dalka iyo dadka iyo diinta gayiga soomaaliya xaq waxay u leeyihiin inay kaxaystaan haystaana in taydoonaan ilaa ay ka cadeeyaan waxay ku qabteen qofkaas ama ku tuhmeen,taasoo cid ka hadli kartaa jirin dalka. laakiin booliisku ciduu qabto waa la daba kici karaa maha nabad sugida oo kale.

Nabad sugidu dalka wixii khatarku ah waa dilayaan cid ka hadli kartana majirto xataa madaxwaynaha.nabadsugidu dawlada ayay ilaalisa hadana shacabkay ilaalisaa meel walbayna ku jirtaa si sir ah.nabad sugidu maha ciidan qofku garan karo intooda badan.nabad sugidu waxay hayaan sirta dalka oo dhan.Waa ciidan dalwalbaa dadku ka baqaan dawlad iyo shacaba.Hadaba waxaa layaab ah ciidamada nabad sugida soomaaliyeed NISSA loo bixiyay maxay u sheegi waayeen qaraxyada u danbeeyay ee lala beegsaday shacabka iskadaa wixii hore oo dhanba ee? NISSA madaxwaynaha dalka uma sheegaan waxa dalka ka socda,mardanbe ayuu sida dad waynaha caadiga ah ama hay adaha dawliga ah ee kale maqlayaa waxasaa dhacay waa maxay sababtu? wax kale maha waa laba arimood oo kaliya oo cadaan ah.

1.Ciidamadan horta maha ciidan isku jira oo puntland qaar laga soo qoray,kuwana laga soo qoray koonfur galbeed,kuwana laga soo qoray jubaland,ee ciidanku waa galmudug iyo hir shabeele iyo mogdisho in kasoo jeeda,oo waliba haba ka soo jeedeen ee maha dhalintii lahayd adaabta iyo aqoonta iyo iimaanka ku waa lama qorin waa ciidamadii dagaal oogayaashii oo xasan sheekh ku aruurshay meesha nasiib daro.

2.Ciidankan NISSA waxaa dhisay oo bud dhige u ah xukumana dawlad shisheeye oo aan wada ognahay,waxaana loogu talagalay in ay ka hortagaan in soomaaliya yeelato dawlad shaqaysa.bal hadaba ka warama soomaaliyeey hadii nabad sugideenii na ilaalin lahayd oo dalka bad baadin lahayd shisheeye xukumo oo gacanta dawladaba aysan ku jirin hay adani? hadaba nin isagii qaraxaaga iyo gumaadkaaga maleegayaa ma kuu digayaa oo ku bad baadinayaa?NISSA markii ay qabatay qalbi dhagax madaxwaynihii dalka soomaaliyeed oo aan ogaan ayaa ethiopia ku dhawaaqday in lahayo qalbi dhagax waa cadaan ninkii aqli dheer leh doqonse waa moog yahay.

Wali mahayno ciidankii nabad sugida qaranka soomaaliyeed.Laakiin rajo waa jirtaa kolay soomaalidu waa tashanayaan umlan maayo in dalka sidaan lagu sii fiirsan karayo ciidan la aanta ah.

      GABA GABADII IYO GUNAANADKII

Wali soomaaliyeey laga bilaabo cali mahdi ilaa Madaxweyne Farmaajo kuma aynaan guulaysan dhisid ciidan qaran oo ka kooban isku dhaf gobolada soomaaliyeed oo dhan.arintana kuligeen baa ku ceebaysan hadaynu nahay soomaali.dawlada hada jirtana waxaa saaran in ay dhisto ciidan soomaaliyeed oo isku dhaf ah.waxa madaxwaynaha iyo raysal wasaaruhu balan qaadeen inay dhisayaan ciidan qaran oo isku dhaf ah waa in arinkaa laga dhabeeyaa oo shacabka soomaaliyeed arkaan.Maxaa yeelay shacabku ma aaminayaan beel tuute loogashay oo sooc ah waana ceeb iy qaran jab.madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha iyo golaha wasiirada iyo labada aqalba maha beel gaara waa umadii soomaaliyeed oo dhan oo isku dhafan,sidaa si lamid ah waa in laysku dhafaa ciidanka qaranka laamihiisa kala duwan.waana in dib loo dhisaa ciidan nabad sugid ah oo soomaali leedahay. Maamul goboleedyada dawladu waa in ay ka soo qortaa midkasta ciidan fadaraal ah kadibna laysku dhafaa.

Dadkii soomaaliyeed si loogu cadaalad falo oo shakiga looga ilaasho iyo aamin darada dhex taala waa in ciidanka laga qaadaa mogdisho la keenaa degmada CARMO oo lagu taba baraa halkaas oo ay ku taalo xero diyaar ah.Waa in kuwa puntland la keenaa mogdisho sidoo kale kuwa baydhabo lageeyaa jubaland kuwa jubaland lageeyaa galmudug iyo hir shabeele.maha in mogdisho ciidamada la isugu yeeraa waxaa ka haboon in laga helo hirshabeele ciidan puntland laga soo qoray kuwo jubaland laga soo qoray kuwo koonfur galbeed laga soo qoray kuwo galbmudug laga soo qoray kuwo mogdisho laga soo qoray kuwo hargaysa iyo burco laga soo qoray. waxaa suuro gal ah qaabkaan u sheegayaa in ay khaldan tahay laakiin hadafku waa hala sameeyo ciidan isku dhaf ah oo soomaaliyeed si sheeka deenu aysan u noqon sidii xasankii xumaayoo beesada aruursigeed ku dhamaystay afar sano iyo iibsiga diinta iyo dadka iyo dalka soomaaliyeed.

Waxaan aad uugu farax sanahay raysal wasaare khayre xerada ciidanka soomaaliyeed turkigu uga dhisay mogdisho mar uu ka hadlay ee uu yiri ciidamada waxaa laga qorayaa deegaanada soomaaliyeed oo dhan.waa runtii hadii kale waa xasan sheekhaynaynaa! macnaha ciidan qaran reer maha wixii kasoo haraa waa reer reera meel magaaro dawladna ma noqdo cadawna iskama celin karo.madaxwaynaha dalka oo ah nin wadani ah geesina ah iyo raysal wasare khayre oo ka daran kama waaban doonaan waxa ay xaqa u leeyihiin loona doortay oo soomaali u dooratay oo ah dhismo ciidan qaran oo xasiliya dalka oo isku dhaf ah.waxaana hada arkaa in ay cagta saareen wadadii guusha shacabkana waxaa waajib ku ah in ay garab iyo gaashaan u noqdaan madaxdeena qaranka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE