Dagaal U Dhaxeeya Alshabaab Iyo Ciidamada Dowladda Oo Si Xoogan Uga Socda Inta U Dhaxeysa Degmooyinka Afgooye Iyo Balcad

Wararka haatan naga so gaaraya deegaanka Basra ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa ku waramaya in halkaas dagaal culus uu ku dhex maraayo Maleeshiyada Kooxda Alshabaab iyo Ciidamada xoogga.

Dagaalka ayaa sida la sheregay yimid ka dib markii maleeshiyada Shabaab ay weeraro kusoo qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Basra oo u dhaxeeya Degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Sid ay kusoo waramayaan dad goob joogayaal dagaalka ayaa si weyn looga maqlayaa deegaano dhowr ah oo ku dhow deegaanka Basra, waxana alabada dhinac ay isu adeegsanayaan hubka cul culus.

Deegaanka Basra ayaa dhawaan waxa la wareegay Ciidamada xoogga dalka,, iyadoo halkaas laga saarey Kooxda Alshabaab.

Wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaaa

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE