Dhageyso Shariif Xasan Oo Ka Hadlay Mooshinka Laga Keenay Isagoona Muujiyey Culeyska Uu Ka Qabo In Uu Xilkiisa Ku Waayo

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wareysi siiyey Telefishinka ku hadla Afka Maamulkiisa ayaa wax laga weydiiyey Mooshin xil ka qaadis ah oo ay ka keeneen Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur galbeed.

Shariif Xasan ayaa sheegay in uu ka war qabo Mooshinka ay saxiixeen xildhibaano adan oo ka tirsan Maamulkiisa, islamarkaana uu ka qabo sida ay wax u doonayaan Xildhibaanada.

Waxa uu intaas raaciyey in Mooshinkan hada laga wado ay abaabulkiisa wadaan Xildhibaano badan oo ka tirsan dowladda fedaraalka ee Soomaaliya oo Muqdisho ku sugan kuwaas oo uu sheegay in ay doonayaan in ay xilka ka qaadaan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE