Faafaahinno Laga Helaayo Dagaal Culus Oo Maanta Ka Dhacey Deegaanka Muuri Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in gelinkii dambe ee maanta dagaal culus uu ka dhacey deegaanka Muuri ee duleedka degmada Nambar 50.

Dagaalka ayaa sida wararka aan ku heleyno yimid ka gadaal markii ay isku dhaceen Ciidamada amaanka ee deegaanka iyo Maleeshiyaad hubeysan oo kusoo dhawaadey deegaanka.

Isku dhac socday in ka badan laba saacadood ayaa dhinacyada halkaas ku dhex marey, waxaana ay isku adeegsadeen hub culus oo u badan qoryaha daran dooriga u dhaca iyo qoryaha kale ee RPG (Sawan).

Maleeshiyadan la dagaalamay Ciidamada amaanka ee deegaanka ayaa la aaminsanyahay in ay ka tirsanyihiin maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab oo maalmihii lasoo dhaafey dib usoo cusbooneysiiyey weerarada ay kusoo qaadaayan shacabka ku dhaqan hareeraha wadada laamiga ah.

Ilaa ahdda ma jiro wax khasaare ah oo la ogyahay oo dagaalkaas ka dhashey, iyadoo ay jiri karto in khasaare ay la laabteen Maleeshiyaadka dagaalka kasoo qaadey dhinaca Bari ee deegaanka Muuri.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE