Wararkii Ugu Dambeeyey Gaari Ay Saarnaayeen Dad Shacab Ah Oo Lagu Rasaaseeyey Inta U Dhaxeysa Degmooyinka Afgooye Iyo Wanla-weyn

Wadada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaada hoose ayaa ku waramaya in halkaas maanta lagu rasaaseeyey Gaari ay saarnayeen dad shacab ah.

Gaariagan oo ahaa nooca Soomaalidu u taqaano Caasi ayaa kooxo hubeysan waxay ku rasaaseen deegaanada ku yaalla Wadada Afgooye ka baxda ee aada dhinaca Wanlaweyn.

Rasaasta Gaariga lagu furey ayaa warar kala duwan uu kasoo baxayaa iyadoo ay jiraan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey dadka Shacabka ahaa ee Gaariga saarnaa.

Macadda inta uu la egyahay Khasaaraha ka dhashey Gaariga la rasaaseeyey, hase ahaatee dad goob joogayaal ah ayaa cadeeyey in rasaasta ay haleeshey qaarka mid ah rakaabka Gaariga la socdey.

Wadada isku xirta Wanlaweyn iyo Afgooye ayaa waxa si joogta ah uga dhaca falal lagu waxyeelooyo dadka Shacabka ah ee wadadaasi isticmaalaya, iyadoo dhowr jeer oo hore cabahsooyin kala duwan ay kasoo yeereysey Wadayaasha Gaadiidka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE