Ciidamo Xoogan Oo Caawa Lasoo Dhoobey Deegaanka Jasiira Ee Duleedka Magaalada Muqdisho Iyo Warar Kala Oo Kasoo Baxaya Halka Ay Ku Wajahanyihiin

Fiidnimadii Caawa ayaa duleedka magaalada Muqdisho waxa lasoo dhoobey Ciidamo xoogan oo la sheegayo in ay yihiin kuwo loogu talagalay inay weeraraan deegaano ay maamulaan Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa in ka badan 40 gaari iyo hub culus, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan halka Ciidamaas ay ku wajahanyihiin.

Deegaanka Jasiira oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ayaa Ciidamadan lasoo dhoobay waxaana ay ku jiraan heegan, si loo siiyo amaro ku aadaan deegaanada ay weerarka ku hiyiin.

Warar ay heshay Markacdey.com ayaa sheegaya in Ciidamadan loo diyaariyey inay weerar ku qaadaan deegaanada xeebta ah sida Dhanaane, Gendershe iyo kuwo kale oo ku yaalla Xeebta u dhaxeysa Marka iyo Muqdisho.

Dhulka hada loo diyaariyey Ciidamadan ayaa ah deegaano u badan Howd iyo Dooxooyin ay ku xooganyihiin maleeshiyada Alshabaab, iyadoo weli halkaas aan lagu weerarin kooxaha xarumaha ka dhigtey.

Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa ka socda diyaar garow iyo dhaqdhaqaaq ku aadan dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE