Horjooge Ka Tirsan Alshabaab Oo Lagu Qaraajiyey Howlgal Qorsheysan Oo Ay Fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka

Saraakiisha militariga dowladda Soomaaliya ayaa shegay in howlgalo ay ka sameyeen deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellooyinka ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dagaal ka dhacay deegaanka Basra ee waddada isku xirtay labada gobol Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe ayeey sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda in ay ku dileen xoogag ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka General C/laahi Cali Caanood oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Saddex ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ku dileen howlgalka qaar kalana lagu dhawacay.

General Caanood ayaa sheegay in howlgaladani ay qeyb ka yihiin gulufka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo la doonayo in guud ahaan looga saaro dalka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE