Wararkii Ugu Dambeeyey Duqeymo Culus Oo Caawa Lagu Qaadey Duleedka Xerada Laanta Buuro Ilaa Deegaanka Dhanaane

Fiidnimadii Caawa ayaa duqeymo xoogan waxa laga maqlay deegaano dhowr ah oo ku yaala Gobolka Shabeelada hoose, halkaas oo ay la aaminsanyahay in ay saldhigyo ku leeyihiin Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Duqeymahan ayaa sida dad goob joogayaal ah ay noo sheegeen ahaa kuwo laga ridaayey dhulka, ayna ireen diyaarado caawinaayey Madaafiicda oo guuxooda hawada laga maqlaayey.

Sida la sheegayo duqeymaha xoogooda ayaa waxay ka dhaceen meel duleedka ka ka ah Xerada Laanta Laanta Buuro ilaa duleedka deegaanka Dhanaane oo isla Gobolka Shabeelada hosoe ka tirsan.

Goobaha la duqeeyey ayaa waxy ku teedanyihiin dhinaca ari ee wadada dheer ee laamiga, qiyaas ahaan u jira ilaa 10 km, iyadoo halkaas ay ku yaalaan saldhigyo Maleeshiyada Shabaab ay ku dhuumaaleysanayeen sanooyinkii lasoo dhaafey.

Weli ma cada khasaaraha ka dhashay  duqeymaha caawa laga maqley qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose, hase ahaatee waxa jira gaadiid badan lagu arkay meelaha ku dhow dhow halka duqeymuhu ay ka ceen.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE