Abaan Duule Coonood Oo Ku Fasilmay Howlgallada Bilowga Ah Ee Lagu Baacsanaayo Alshabaab Iyo Shaki Badan Oo Ka Dhashay Dhaqanka Uu Ku Hogaamiyo Ciidanka (Warbixin)

Bishii Abriil ee lasoo dhaafey ayaa Abaan duulaha Ciidamada xoogga dalka loo magacaabay Cabdulaahi Cali Caanood oo ka mid ahaa Saraakiil ka tirsanaanaa Wasaaradda Gaashaan dhiga.

Caanood oo howlgalkiisii ugu horeeyey ku tagay Deegaanka Bariire ayaa dad badan oo wax ka yaqaana dagaalada Xoreynta, waxay dhaliileen qaabka loo wajahay qabashada Bariire oo deegaan muhiim ah u aheyd Maleeshiyada Alshabaab.

Bishii Agosto 19-keeda ayaa Ciidamada xoogga dalka dagaal ku qabsadeen Bariire waxaana dagaalkaas hogaaminaayey Genaraal Sheegow, inkastoo amarka ka sareeyey Sheegow uu ahaa Caanood Abaan duulaha Ciidamada.

Qabashada Bariire inkastoo dhabar jab ku aheyd Alshabaab hadana fursadaha ugu badan ayaa waxa helay Maleeshiyaad Isbaarooley ah oo horjooge uu u ahaa Dagaal ooge Liibaan Madaxweyne, Caanood ayaa kusoo hubeeyey Gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa 12 gaari waxaana uu dejiyey Bariire si loo soo nooleeyo awooda Mooraanta xoogga ku jooga Beeraha Gobolka Shabeelada hoose.

Tagista Liibaan Madaxweyne deegaanka Bariire waxa uu caqabad hor leh uu ku noqdey howlgalka la dagaalanka Shabaab oo markaas lagu doonayey in lagu qabsado deegaano ay ka mid yihiin Awdheegle iyo Tooratoorow oo saldhigyo waaweyn ay ku leeyihiin Alshabaab.

Bishii xigtey ee Sebtembar 29-keeda weerar culus ayaa maleeshiyada alshababa waxay ku burburiyeen saldhigii Liibaan Madaxweyne, waxaana halkaas y ku qaateen Gaadiid dagaal iyo Saanad Milateri oo muddo bilooyin ah lagu dagaalami karey.

Maalmo dhan 15 maalmood ka dib 14-kii October waxa lasoo baneeyey dhamaan saldhigyii Ciidamada xoogga ee deegaanka Bariire, iyadoo halkaas si dagaal la’aan ah ay kula wareegeen Maleeshiyada Shabaab oo deegaankan ay u tahay meel muhiim ah oo ay waqti geliyeen sidii ay dib gacantooda ugu soo celin lahaayeen.

Intaasi ka dib Bishan hada aynu ku guda jirno Lexdeedii Ciidamo uu wato Caanood waxay qabsadeen deegaano dhowr ah oo u dhaxeeya Gobolada Shabeelada Shabeelooyinka, waxay deegaanadan ku laalaan Degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Afar maalmood ka dib Ciidamo gaaraya in ka badan laba kun oo askari oo wata Gaadiid dagaal oo gaaraya 50, iyo hub u badan kuwa Lidka diyaaradaha waxay deeganaadaas uga baxeen dhinaca Balcad.

Alshabaab mar kale waxay si buuxda oo jaaqjaaqsi leh ula wareegeen deeganadii Gaadiidka dagaal loosoo qaatey, Shabaabka deegaanka tagey waxa la sheegaa in ay ahaayeen kuwoo lugeenayey oo aan wax gaadiid ah wadanin.

Deegaanada Basra iyo kuwa kale ee ku xeeran iyo Bariire Alshabaab markii ay ku laabteen waxay bilaabeen in ay dhibaato u geystaan Shacabka la dhacsanaa Ciidamada xoogga ee diidanaa Alshabaab.

Abaan duulaha Ciidamada xoogga ayaa ku dhaliilsan fudeyd iyo shaqo aanu u laheyn kalsooni buuxda, waxaana la dhihi karaa shaqadiisa cusub mid fashil iyo khasaare ku ah dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Hadii aan la helin Sarkaal si buuxda Ciidamada u howlgeliya, dagaalka la wajahi dooni wuxuu noqon doonaa mid guuladarooyinkiisa iyo fashilkiisa aad u saameeya Ciidamada oo dhan.

Fashilka Caanood ee aan gadaal ka imaan ee soo hor marey waxaa kale oo uu Niyad jab ku yahay Shacabka Soomaalieed oo doonaya in ay arkaan Alshabaab oo dalka laga xoreeyey.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE