Ciidamada Dowladda Oo Fariisimayaal Weerar Ku Qaadey Xilli Shabaab Ay Isasga Guureen Dhul Badan Oo Ku Yaalla Gobolka Shabeelada Hoose

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa wada dagaal ka dhan ah Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ayaa maanta dagaal ku qaadey deegaano hoos taga Degmooyinka Afgooye iyo Qoryoole ee Gobolka Shabeelada hoose.

Duulaankan ayaaa waxa hogaaminaayey saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka, waxaana ay Shabaab ka qabsadeen deegaano dhowr ah oo sanadihii lasoo dhaafey ay xoog ku jogeen Maleeshiyada Alshabaab.

Sida Saraakiishu ay sheegeen dagaal koovaan ayaa deeganada qaar Alshabaab kala hor yimid daagl kooban oo si naf lacaarinimada ah ay ka muuqato, waxaana markii dambe ay ku baxsadeen dhul duur u badan oo markii hore si djuumaaleysi ah uga soo baxeen.

Deegaanada laga qabsaden Maleeshiyada Alshabaab ayaa waxa ka wadeen falal dhibaata oo ay u geysaneyeen Shacabka halkaas ku dhaqan, waxaana sidoo kale ay si xoog ah ku qaadann jireen xoolaha dadka shacabka iyagoo k usheegi jirey waxa ay ugu yeereen Zakawaad.

Alshabaab ayaa deegaano badan oo ku yaala Shabeelada hoose dhibaato ku haaya Shacabka aan hubeysneyn, waxaana meelaha qaar dadka ay isaga soo barakaceen si ay u helaan meel ay ku nabad geli karaan hantidoodana ay ku ilaashan karaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE