Deg Deg Askarigii Kufsiga Iyo Dhaawac Ka Geystey Magaalada Boosaaso Oo Isaga Oo Katiinadeysan Laga Soo Dejiyey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Maanta ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka duushay diyaarad Siday Cabdiqaadir Warsame oo ka tirsan ciidamada Puntland kaas oo Boosaaso ka geystay fal kufsi iyo dhaawac ah.

Askariagan oo Habeeno ka hor ay qabteen ciidamada sirdoonka Jubbaland ayaa dhawaan Boosaaso waxa uu tacadi kufsi iyo dhaawac ah ugu geystay Gabar lagu Magacaabo Faa’izo isaga oo Xubinta Taranka Xabad kaga dhuftay.

Taliska Booliiska Jubbaland ayaa Maanta lagu arkayay kismaayo iyaga oo wada Cabdirisaaq isaga oo Gacmaah ay katiinad uga xiran tahay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan sheegay in Askarigaas oo ka tirsan ciidamada Badda Puntland la maxkamadeyn doono.

Isla maanta ayaa la rajeenayaa in Ninkan loo duuliyo Puntland oo loo gacan gelin doonto Ciidamada amaanka ee halkaasi ku sugan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE