Dhageyso Xarumihii Sirdoonka Iyo Halkii Laga Maamuli Jirey Jabhaadka Ee Maleeshiyada Shabaab Oo Howlgal Gaar Ah Lagu Burburiyey

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay howlgallda ka dhanka ah maleeshiyaadka AlShabaab ee laga fuliyay qaar ka mid ah Gobollada Dalka.

Wasiir Yariisow ayaa xusay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada ay howlgallo ka fuliyeen Gobollada Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoos iyo Jubbooyinka ayna jiraan Khasaaro loo geystay maleeshiyaadka AlShabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah Goboladaasi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE