Dhageyso Xildhibaanada Koonfur galbeed Ee Mooshinka Ka Wada Shariif Xasan Oo Ay Soo Wajahdey Amni Daro Xoogan

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxa ka socda shirar ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur galbeed oo wada Mooshin xil ka qaadis ah oo laga keenay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dhinaca kale waxa socda dadaalo ay wadaan Wasiiro Calooshooda u shaqeystayaal ah oo ka mid ah Xukuumadda uu soo dhisey Shariif, kuwaas oo kasoo horjeeda in meesha laga saaro hogaamiyahooda.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa sheegay in ay wajahayaan Culeysyo xoogan oo kaga imaanaya Hogaanka Maamulka, iygaoo sheegay in laga hor istaagey shirar ay ku qabsan rabeen magaalada Gudaheeda.

Sidoo kale Xildhibaanada qaar ee Mooshjinka wada ayaa tilmaamey in loo hanjabay, waxaana xilligan ay sheegeen in ay ki jiraan xaalado adag.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE