Dhegeyso Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ansixiyey Hindise Ay Soo Gudbisey Wasaaradda Koronta Iyo Biyaha, Iyo Wasiir Saalim Caliyow Oo War Soo Saarey

Xildhibaanada Baarlamaanka baarlamaanka fedaraalka ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshey magaalada ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Biyaha oo Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Xukuumadda Somaliya ay hosoo diyaarisay.

Hindise Sharciyeedkan ayaa maray heerarka kala duwan ee akhrinta baarlamaanka, waxaana ugu dambeyn maanta loo qorsheeyey in Codka loo qaado, iyadoo xildhibaanada baarlamaanka ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Korontada Iyo biyaha Xukuumadda Somaliya Saalim Caliyow Ibroow ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka tallaabada ay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Biyaha, isagoo sheegay in sharcigan uu wax badan ka bedeli doono xaaladda biyaha ee dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE