Faafaahinno Laga Helaayo Diyaardo Dagaal Oo Duqeeyey Deegaano U Dhaxeeya Gobolada Shabeelooyinka

Diyaarado aan la ogeyn halka laga leeyahay ayaa duqeymo ka fuliyay deegaano u dhaxeeya Gobolada Shabeeleeyinka oo ay xarumo ku leeyihiin Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Qaar kamid ah dadkii kasoo cararay goobaha duqeynta laga fuliyay oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Danan ayaa sheegay in diyaaradaha ay habeenimadii xalay duqeynta fuliyeen.

Goobaha la duqeeyay ayaa la sheegay in ay ku suganyihiin maleeshiyada Alsshabaab islamarkaana ay la wareegeen saacado ka hor inta aanu duqeynta dhicin.

Duqeymaha laga leeyahay dalalka reer galbeedka ayaa sii kordhiyey duqeymo iyo weeraro toos ah oo ay ku qaadayaan goobaha la tuhunsanyahay in ay ku suganyihiin maleeshiyada arxan laabayaasha ah ee Shabaab

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE