Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ahna Musharax Madaxeyne Oo Beeniyey Inuu Xiriir La Leeyahay Madaxda Soomaalida

Cabdiraxman Cirro oo dadweyne badan kula hadlay Hargeysa, wuxuu ka jawaab celiyay eedeymaha ku aadan in xisbiga Waddani uu xiriir la leeyahay dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo

“Waxaan leeyahay Xamar lagu tartami maayo ee Hargeysa ayaa lagu tartamaya ee shacbiga u soo bandhiga waxa aad ka iibinaysaan. Waxaan leeyahay arrimahaasi waa garaadkooda waa Garaadka Muuse. ” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro

“Walaalayaal aniga iyo xisbiga Waddani midna ma aamminsana in Beel ama Koox Somaliland ka mid ah ay u shaqayso Soomaaliya waase Muuse iyo Garaadkii. Xisbiga Waddani waxa uu aamminsan yahay in shacbiga Somaliland yahay dad walaalo ah oo leh xuquuq siman. Ma dhici karto in la yidhaahdo beel baa beel loo baryay ama qof baa qof loo baryay, waxaynu doonayna in aynu abuurno shacab awoodaha xilalka dalka iyo khayraadka u siman.”

“Waxaan leeyahay wax walba oo aad samayn karayseen waad samayseen laakiin, ma badbaadin kartaan doon degaysa ee wax ku qaata dareenka shacabka. Waxaan baaq u diraya New Kulmiye iyo Faysal oo aan leeyahay haddii aydaan tartami karayn dee iska tanaasula.”

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE