Maamulka Jubbaland Oo Maanta Wareejinaya Askari Dhaawac Halis Ah Iyo Kufsi U Geystey Gabar 15 Sani Jir AH

Saraakiisha amaanka ee Maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa in maanta magaalada Kismaayo ay ka dhoofiyaan Askari ka tirsanaa Puntland oo fal kufsi iyo dhaawac halis ah u geystey Gabar 15 sano jir ah oo ku sugneyd maghaalada Boosaaso.

Askarigan oo lagu qabtey Deegaanada Jubbaland ayaa maalinimadii shalay waxa lagu soo bandhigey Magaalada Kismaayo, waxaana saaxaafadda looga warbixiyey sida lagu soo qabtey iyo wax laga yeelayo.

Maanta ayaa la sheegayaa in diyaarad gaar ah loo saari doono magaalada Garowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland, iyadoo halkaas lagu soo saari doono maxkamad si loogu qaado dhibaatada uu u geystey Gabar aad da’ ya oo xanuunkeedalagula tacaalayo magaalada Muqdisho.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Warsame Axmed (Sanka) ayaa kasoo baxsadey magaalada Kismaayo, waxaana argagax uu ku beerey Shacabka Soomaaliyeed oo ka naxey falka uu ku dhibaatey Gabadha 15 sano jirka ah.

Ehelada Gabadha dhibanaha ah ayaa hey’daha cadaaladda ka dalbadey in loo qabto Ninkan oo cadaaladda loo hor keeno.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE