Madaxweynaha Jubbland Oo Ku Baaqey In Maxkamad Lasoo Taago Askariga Kufsiga Iyo Dhaawac Ka Geystey Magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay hawlgallo gaar ah oo ciidamada Booliska Jubbaland ay ku soo qabteen Eedaysane Cabdirisaaq Warsame Axmed oo lagu soo Eedeyay in uu fal isku day kufsi iyo dhaawac ugu gaystay magaalada Boosaaso Gabar Soomaaliyeed.

“Waxaan doonayaa in aan bogaadiyo dadaalka iyo shaqo wanaaga ay la yimaadeen laamaheena ammaanka, gaar ahaan ciidamada Booliska oo gacanta kusoo dhigay Eedaysanahan oo muddo ku dhuumaalaysanayay Gobolka Jubada Hoose” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ciidamada hawlgalkan fuliyay sheegay in la abaal marin doono si ay shaqadooda usii laba jibaaraan isla markana ay ka hortagi doonaan in dad danbiyo meelo kale kasoo galay ay deegaanka ku dhex dhuuntaan.

Dowlad Goboleedka Puntland ayuu Madaxweynaha Jubbaland uga mahad celiyay sida ay uga qayb qaateen in ninkan gacanta lagu soo dhigo isla markana ay u aqbaleen in Cadaallada lagu mariyo halkii uu danbi kasoo galay.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu ku baaqay in uu Cadaalad helo Cabdirisaaq Warsame Axmed isla markana la mariyo wixii uu sharcigu ka qabo falka lagu soo Eedeyay, isagoo isla maanta Taliska Ciidamada Booliska Jubbaland ay u dhoofiyeen Puntland si halkaas Maxkamad loogu saaro.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE