Somaliland Oo Ka Jawaabtey Hanjabaaddii Puntland “Hadii Doorashada Hab Ciidan Aad Usoo Fara Gelisaan, Geeskaa Wixii Ka Dhaca Garowe Ayaa Lagu Murmi Doonaa” (Video)

Muuse Biixi Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee jamhuuriyadda Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa goob lagu soo xiraayey olalaha Doorashada ayaa waxaa uu ka hadlay xiisad maalmahanba kala dhexeysa Maamulka Punland.

Wuxuu si toos ah uu uga jawaabay Hanjabaaddi Puntland ee aheyd in hey’adaha maanka ay fara geliyaan deegaanada leysku yiraahdo SSC oo la filayo in ay ka mid noqdaan deegaanada looga codeyn doono doorashada dhici doonta maalinta Isniinta ah.

“anagu Nabad baan rabnaa idin soo fara galin mayno walaltinimadiinaan rabnaa,lakiin waxaan idiin sheegayaa maanta Doorashadaas hadaad soo fara galisaan,Geeskaa wixii ka dhaca,meel kalaad sheegaysaane Garoowe in lagu murmo doono,ayaan balan idinka qaadaya” ayuu yiri Muuse Biixi

Hadalka Muuse Biixi ayaa kusoo beegmaya xili xiisad culus oo hanjabaad iyo weerar celis ah uu u dhexeeyo Somaliland iyo Punntland, dhawaan ayey ahayd markii Baarlamaanka iyo Golaha Waasiirada ee maamulka Puntland oo Garoowe ku shiray ay isku raaceen in aysan Doorasho ka dhicin Sool iyo Sanaag.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE