Wasiirkii Arimaha Gudaha Gudaha Maamulka Koonfur galbeed Oo Tacsi Iyo Baroor-diid Loogu Dhigayo Magaalada Baydhaba

Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay waxa ka socotaa Tacsi iyo baroor diiq loo dhigayo Wasiirkii arimaha gudaha Maamulka Koonfur galbeed Madoobe Nuunow Maxamed.

Wasiir Madoobe Nuunow oo ku geeriyoodey Weerar 28-kii bishii lasoo dhaafey ka dhacey Hotel Naasa hablood ee magaalada Muqdisho ayaa tacsidiisa waxa ka qeyb galaya Hogaanka Koonfur galkeed, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin.

Tacsida iyo Barooq diiqa Madoobe Nuunow oo kasoo daahdey waqtigii loo baahnaa ayaa xilligan waxa soo qaban qaabiyey rag ay asxaab ahaayeen oo ay ka wada shaqeyn jireen Maamulka Koonfur galbeed iyo Baarlamaanadii hore dalka usoo marey.

Magaalada Baydhabo ayaa waxa ka taagan khalalaase siyaasadeed iyo jahwareer xoogan, waxaana Maamulka koonfur galbeed uu ku jiraa xilli adag oo leyska soo horjeedo.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE