Immisa Maleeshiyaad Oo Shabaab Ah Ayaa Lagu Dilay Weeraradii Ugu Dambeeyey Ee Ay Qaadeen Diyaaradaha Dagaalka Ee Mareekanka

Afhayeen u hadashay Taliska Mareykanka oo lagu magacaabo Samantha Reho, ayaa sheegtay inay dileen ku dhawaad 100 maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab.

Samantha Reho, ayaa sheegtay in maleeshiyaadkaas lagu dilay weeraro is xigxigay oo todobaadkan ka dhacay Somalia, kuwaa oo ay fulinayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Afhayeen Samantha Reho, waxa ay tilmaantay in weeraradaas ay kala dhaceen sabtidii iyo Jimicihii lasoo dhaafay, waxa ayna sheegtay in laga gaaray dantii laga lahaa.

Waxaa ay sheegtay in howlgalladii ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeelaha dhexe Al-Shabaab lagu gaarsiiyay Khasaare ballaaran, isla markaana la beegsaday goobo ay ku shirsanaayeen, sida ay sheegtay Samantha Reho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Somalia Cabdriaxmaan Yariisow ayaa maalinimadii shalay sheegtay in howlgal ay fuliyeen ciidamada dowlada lagu dilay xubno ka tirsan al-Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE