Taliyaha Ugu Sareeya Ciidamada Ee Jamhuuriyadda Somaliland Oo Direy Fariintii Ugu Adkeyd Ee Xagga Aamaanka (Video)

Taliyaha ugu sareeya Ciidamada ee Jamhuuriyadda Somaliland Genaraal Nuux Taani oo maanta warbaahinta kula hadlayey Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka Amaanka ah ee ugu danbeeyay ee guud ahaan deegaanada jamhuuriyadda.

Taliyaha Ciidamadda Militeriga Somaliland ayaa fariin u diray maamulka Puntland oo xiisad kala dhaxaysay maalmahanba waxaana uu ugu baaqay in ay Puntland ilaaliso nabadgalyada iyoderis wanaaga.

Dhinaca kale Taliyiha oo ay wehelinayeen Saraakiisha laamaha amaanka ugu sareeya ee Booliska Somaliland ayaa kusoo aadaya xili xiisad culus oo dhanka Afka ah ka dhex taagan tahay Labada dhinacl Punland iyo Somaliland.iyadoo Somalilad beri looga dareerayo Doorashada Madaxtinimo ee Maamulkaas.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE