Madaxweynaha Hirshabelle Oo Sheegey In Lagala Tashan Dagaalka Lagula Jiro Alshabaab Ee Ka Socda Shabeelada Dhexe

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hor yimid dagaalka ka socda degaano hoos yimaada degmada Balcad ee Gobolka Hoose, isagoo ku eedeeyay dowladda Federaalka inaysan kala tashan dagaalkaasi.

Madaxweyne Waare ayaa welwel ka muujiyay qaabka dagaalka looga wado degmada Balcad iyo cawaaqib xumo uu sheegay inay ka imaan karto, Wuxuuna sheegay inaaan Dawladdu kala tashan  !  isagoo aan faahfaahin ka bixin arrintaasi.

Wuxuu intaas ku darya in welwelkiisu salka ku hayo ciidamada ku sugnaa Gobolka Shabeellaha dhexe ee dagaalka la geliyay, isagoo sheegay inuu ka cabsi qabo inay dagaalka ku dhabar jabaan Ciidamada dowladda.

Madaxda Maamulada ayaa marar badan dowladd afedraalka ee Soomaaliya ku eedeyn jirey in aanay kala tashan shirarka iyo arimaha masiiriga, waxaana taas ay caqabad ku noqotey wadad shqeynta dowladda iyo Mamaul Goboleeyada.

Haatan la joogo xilligii dlaka la xoreyn lahaa ayaa waxa soo if baxey in Madaxweynaha Hirshabelle uu sheegey in aan lagala tashan la dagaalanka Alshabaab oo ka bilowdey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE