Sarkaal Ka Tirsanaa Dowladda Oo Lagu Eedeeyey In Ku Lug Lahaa Weerarkii Hotel Naasa Halbood Oo Ka Baxsadey bCiidamada Nisa

Sarkaal lagu magacaabo Cali Cabdi Dubad oo ka tirsanaa Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa ka baxsadey Ciidamada Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA, ka dib markii sarkaalkaas lagu soo eedeeyey in uu ku lug lahaa weerar 28-kii bishii hore ka dhacey magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa shalay Ciidamada NISA ku weerareen gurigiisa ooku yaala agagaarka Xabsiga Godka Jilicow ee Ciidamada Nabad sugidda degenyihiin, waxaan aCiidamada ay doonayeen in ay qabtaan Cali Cabdi Dubad.

Waxa jira warar sheegaya in Ninkan uu lug lahaa weerar Hotel Naasa Hablood 2 ee dhacey 28-kii bishii hore, ka dib markii dableyda qaar ee Hotelka weerartey ay galeen Guriga Sarkaalka ka dibna halkaas laga qabtey.

Dableyda weerarka ka qeyb qaadatey ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan in doonayeen in ay halkaas k udhar bedeshaan oo ay hore usii dhaqaaqaan hase ahaatee Ciidamada amaanka oo ka war helay arintaasi markii dambe ay qabteen.

Cali Cabdi Dubad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in anau ogeyn sababta loo bartilmaameesadey has ehaatee uu tuhunsanyahay in loo haaysto dableydii laga qabtey Gurigiisa, weaxana adhinaca kale uu sheegay in  dableydaas uu si xeeladey uu u qabtey markii gurigiisa ay soo galeen.

Waxa kaloo uu sheegay in hada uu ku jiroTaliska Ciidamada xoogga halkaas oo uu u galay si nabad gelyo uu u helo, waxaana uu difaacey eedeymaha loosoo jeediyey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE